X

Muslimiinta Faransiiska oo diidey in ay aasaan nin argagixiso ah iyo sababta

Muslimiinta Faransiiska magaalada Saint-Etienne-du-Rouvray ayaa diidey in ay aasaan nin argagixiso sida uu waraysi ku bixiyay imaamka masjidka magaaladaasi.

Ninkan argagixisada ah oo 19 jir ah laguna magacaabo Adel Keriche ayaa ka mid ahaa ragii diley wadaad 86 jir ah oo ku jirey kaniisadiisa. Dilkan foosha xun ee diinteenu be’ri ka tahay ayaa waxa iska fogeeyay Muslimiinta Faransiiska.

Masuuliyiinta bulshada Muslimiinta ee magaaladaasi dilku ka dhacay oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in sababta ay u diideen in ay wax ku lahaadaan aaska ninkaasi ku tilmaamay in ayna rabin in loo arko in diinteena macaan ee Islaamku wax ku leedahay.

”Waan diidney in magaca Islaamka la badhqiyo iyo magaca Muslimiinta degan magaaladani sidaas awgeed ma diyaarinayno jidhkiisa iyo aaskiisa ayuu yiri Maxamed Karabila oo ah madaxweynaha bulshada Muslimiinta ee magaalada lagu diley wadaadka 86 jirka ah.

Booliiska Faransiiska ayaa ku guulaystey in ay dilaan argagixisada weerarka gaystey oo dhamaantood ah 19 jiro aan caqligoodu ku filneyn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.