X

Mustafe Cagjar oo ciidan badan ku soo daadiyay Awbarre

Horjoogaha maamulka magaalada Jig-Jiga Mustafe Cagjar ayaa dilkii shalay kadib ku soo daadiyay degmada Awbarre ciidan farabadan kuwaas oo isku dhacay dadka shacabka oo aad u gadoodsan. Dadka ayaa dalbanaya in hore laga dilo askariga dilka gaystey.


Sarkaal u hadlay Mustafa Cagjar oo jooga Awbarre ayaa sheegay sida wax u dhaceen qirteyna in dilku ahaa mid laga baaqsan karayay laakiin haddana ay ku kaceen askariisa joogta barta xanibaada.


“Sida keliya ee lagu xalin Karo arintan ayaa ah in hore laga dilo askariga uu sheegtay afhayeenka Cagjar inuu dolla gaystey ayuu yidhi Xirsi Warfaa.

Dilkan ayaa noqonaya kii 6-aad ee horjooge Mustafe Cagjar uu kula kaco dadka reer Harawo oo cashuurtooda aad loogu naaxay taayirna loo rogin.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.