X

Mustafe Cagjar oo jeelka u taxaabay masuuliyiin ka tirsan amniga

Sida aan warka ku helayno madaxa Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa masuuliyiin dhinaca amniga xilalka ka qaaday kadibna jeelka u taxaabay. Mustafe Cagjar ayaa faahfaahin ka bixin waxa keenay inuu xilka ka qaado kadibna jeelka u taxaabo.


Mustafe Cagjar ayaa marka hore isku bedel sameeyay kadibna bilaabay inuu xiro kuwii hore ee uu xilka ka qaaday. Dadka la xirey waxa ka mida sida aan wararka ku helayno madaxii amniga ee gobolka Cabdicaadil Xasan Cabdi laguna bedelay ku xigeenkiisii C/llaahi Dheere.

Waxaa isna xilkii laga qaaday madaxii sirdoonka Ilyaas Cali Bulxan, waxaana si ku meelgaadh ah loogu dhiibay Cabdi Siigaale iyadoo ku xigeen looga dhigay Xirsi Dool.


Sidoo kale waxaa wararkan sheegayaan in la xiray madaxii hab-maamuuska ee madaxtooyada maamulka Cabdulqaadir Sheekh Axmed Bisle.

Mustafe Cagjar ayaa war ka soo saarin waxa masuuliyiintan uu u xirey waxase jira maamulka inuu ku fashilmey in laga arko isbedelkii loo baahnaa ilaa haddana waa lagu qasaaray.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.