Waxaa maanta lagu waday in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ay ka dhacdo doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.
Doorashada ayaa waxaa ku imaaday Fashil waxaana la sheegayaa inay u dib dhacday muran ka dhex aloolsan Guddiga Doorashooyinka iyo Salaadiinta Gobolada Waqooyi ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Muranka sababay in la dib dhigo Doorashada ayaa ka dhashay isdabamarin ay wadeen Guddiga Doorashooyinka kadib markii leysku dayay in xubnaha Musharaxiinta loo kala hiiliyo.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in Doorashada ay ku imaaday dib u dhac, waxaana ay sheegeen Doorashada in ay dhici doonto maalinta sabtida ah.
Sidoo kale, Doorashada ayaa waxa ay ka dhici doontaa xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir, halkaasi oo hadda lagu dooranaayo Xildhibaanada cusub.
Dhawaan ayay aheyd marka Salaadiinta Somaliland ay sheegen in faragalin ba’an lagu hayo Doorashooyinkooda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS