X

Muuse Biixi oo sheegay inuu xabsiyada ka sii daayay 517 maxaabiis

Madaxa maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu xabsiyada ka sii daayay 517 u xirnaa. Shaqsiyaadkaas faraha badanle ayaa dadka badankiisu qabaan inayna ku jirin inta isaga u xiran oo lagu qiyaasay ilaa 800. Muuse Biixi ayaa maalin kasta xira qof.

Waxa kale oo la garaacaa saxaafada magaalada Hargeysa. Waxa u dambeysay wil xiran calanka Somaliya oo loo sheegtay Hargeysa loona sheegay inayna ahayn magaalo uu xor ku joogi karo.


War uu Muuse ka soo saaray maxaabiista uu sii deynayo ayuu ku sheegay inay yihiin kuwa galay dembiyada yar-yar inkastoo jeelasha ay ku jiraan dad lagu ilaaway oo iska xiran.

”Waa dad aad u farabadan waxaad is weydiin kartaa haddii uu wax cafiyi karayo muxuu markii horeba u xirtey ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.


Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.