X

Muuse Biixi dadka ha u sheego kulankii madaxweyne Farmaajo: C/raxmaan Ciro

Gudoomiyaha xisbiga Wadani ayaa dalbadey inuu Muuse Biixi dadka u sheego kulankii uu la soo qaatey madaxweyne Farmaajo oo ilaa hadda uu la cararayo inuu la wadaago beeshiisa.


C/raxmaan Ciro ayaa sheegay in aan la ogeyn waxa is aragu ku salaysnaa xilli madaxweyne Farmaajo sheegay in difaacii jabhadaha laga difaacaayay uu qalad ka yimi, taasna ayna macnaheedu ahayn in dagaalku ahaa mid u dhexeeya Koofur iyo Woqooyi.


“Muuse Biixi ha daayo carcararka oo dadka ha u sheego wixii loogu yeeray iyo waxa ka soo baxay ayuu yiri C/raxmaan Ciro. Afhayeenkiisa arimaha dibedda ayaa diidey in su’aalo laga weydiiyo wixii ka dhacay Addis Ababa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.