X

Muuse Biixi oo amar dul dhigey warbaahinta xorta ah: warka maamulka horeysiiya

Horjoogaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa amar dul dhigey warbaahinta xorta ah ee joogta magaalada Hargeysa kuna amrey in warka maamulkiisa ka horeysiiyaan wararka kale ee baxaya.


Waxaa idin sheegayaa inaad haysataan muddo laba usbuuca oo aad ku fulisaan amarkan cusub ee aan soo saaray oo ah sidan soo socda

1-Inaad wararka maamulka ka horeysiisaan wararka caasimada Muqdisho iyo kuwa kalaba

2-Inaad wararka Koofurta dalka ka dhigtaan wararka caalamka ileyn laba wadan ayaynu kala nahaye ayaa ku yiri amarkan


Lama oga in warbaahinta ka hawlgala Hargeysa ee amarkan la faray ay u hogaansami doonaan haddii kalese xadhig ku mudan doonaan sidii kuwii hore loo xirey haddana u xidhan.

”Waxaan xasuustaa markii argagixisadu ka talin jirtey Muqdisho badankeeda oo ay wareyeyaasha ku oran jirtey na dhaha Mujaahidiinta haddi kale dil ama qoorgoyn ayaa ku xukuman tihiin ayuu Xuseen Warsame oo ka faalooda siyaasada maamulka Somaliland.


Warbaahinta xorta ah ayaan ku qasbanayn in ay fuliyaan amarka Muuse Biixi oo xor u yihiin sidey wararku u kala hor tebiyaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.