X

Muuse Biixi oo buufsaday gaadiid shacab oo qaadka lagu keeni jirey

Kadib markuu cidlada dhigey kumanaan Soomaali ah oo nolol ka heli qaadka ayaa horjoogaha mamulka Somalilaan amray in hantida shacabka uu gaajada badey haddana loogu daro in lala wareego gawaadhidooda.


Gawaadhida horjooguhu buufsaday ayaa booliisku ku sheegay kuwa hadda iyaga u xalaala oo xataa ayna iibsan ee ay si caadiya u dhaceen bilaha Ramadaan.

Wuxuushnimada sidana ayaa cadho ku beertay dadka magaalada Hargeysa. ā€¯Weligey ma arag wuxuushnimo intaan leeg oo dadkii dibedda la dhigey haddana loogu daro in hantidooda la dhaco ayuu yiri Xuseen Warsame.


Waxa la ogaadey in qaadka ugu badan ay keenaan ama lagu keeno gawaadhida ay leeyihiin isla maamulka horjooge Muuse Biixi.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.