X

Muuse Biixi oo go’aansaday inuu Jabuuti ku celiyo ganacsade lacag soo dhacay

Maamulka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay nin ganacsade ah oo reer Jabuutiya oo si beelaysan u rabay inuu sharciga u baal maro, ayadoo malmahan si beelaysan ay oday dhaqameedyo uga hadlayayeen saxafada.


Ganacsadan deynta la soo baxsday ayaa Hargeysa yimi aagoo huwan magaca beesha ISAAQ laakiin hadda arintu ku xumaatey oo Muuse Biixi rabo inuuna xumeyn xiriirka uu la leeyahay Jabuuti.

Ninkan ayaa xataa waraaqihii dacwada si beelaysan uga soo qaatey wasaaradaha maamulka oo fadeexadeeda leh ayaa raba inuu ku dhuunto shaadhka mamulka uu beel ahaan ka soo jeedo.


Waxa la sugaa waa in mamulka Somaliland u hogaansamo shuruucda caalamiga ah oo si dhaqse ah u gudbiyo ganacsadahan soo xadey bangiyada aduunka. Lacagtaan oo gaaraysa 20 milyan oo doolar.

Sawirka hoose waa ganacsadaha lacagaha la soo baxsadey

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.