X

Muuse Biixi oo haween iyo gudoomiye jeelka u taxaabay

Madaxa Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay haween dalbadey in dhibkooda wax laga qabto. Haweenkan ayaa sheegay in magafe ku haysto caruurtooda dalkaasi burburey ee Liibiya halkaas oo ay bixin kari waayeen lacagta laga rabo, sidaasna ay ka dalbadeen maamulka Somaliland oo Jamhuriyad sheegta inay kaalintooda ka gaystaan.


Hase yeeshee kaalintii uu Muuse Biixi ka gaystey ayaa noqotey inuu jeelka ku guro. Hooyooyinkan ayaa aad u tiro badan waxana lagu haystaa maxaad isugu soo baxdeen.


Dhinaca kale waxa Muuse Biixi jeelka u taxaabay gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Wadani oo isna lagu eedeeyay inuu ka hadley xaalada gobolka ka taagan oo fikirkiisa ku cabirey. Muuse Biixi wuxuu Woqooyigii ka dhigey meel shimbirtii hadashaaba jeelka loo taxaabo ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.

Sawirka hoose waa hooyooyinka jeelka loo taxaabay

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.