X

Muuse Biixi oo jabiyay qodob lagu sheegay is dhexgalka ciyaaraha

Horjoogaha maamulka Somalilaan Muuse Biixi oo Farmaajo kula shirey Jabuuti ayaa la sheegay inuu saxiixay qodob dhigaya inuuna carqalad gelin isdhexgalka ciyaaraha, wuuse jabiyay qodobkaas durba.


Ciyaaryahanada Burco oo iyagu u heelanaa inay dalkooda ka ciyaaraan halkii ay rabaan ayaa shaaciyay inay Muqdisho rabaan inay ka soo ciyaaraan, waxase u diidey afhayeen u hadley Muuse Biixi.


”Ma tegi karaan Muqdisho ayagoon fasax naga haysan ayuu yiri taas oo ah jabin qodobka madhan ee Muuse Biixi saxiixay. ” Anaga naloo sheegi maayo xillifgaan baxayno iyo halkaan tageyno ayay yiri ciyaaryahan ka hadlay arintan.

Muqdisho waa caasimadii qaranka aduunkuna aqoonsan yahay cid naga sheegan kartaa ama noo diidi kartaa ma jirto ayuu raaciyay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.