Wararka aanu ka helayno caawa magaalada Boorama ayaa sheegaya in dhalinyar shalay ku tukatey salaatu jinaasa maatadii ururkii SNM ee Muuse Biixi hogaamiyaha ka ahaa xasuuqey 1991 in qaar badan jeelka lagu gurey.
Muuse Shaani ayaa ilaa hadda ay u xiran tahay dad ka badan 2000 oo ka buuxa jeelasha Boorama iyo Hargeysa.
Shalay ayaa magaalada Boorama aad looga xusey dadkii maatada ahaa ee kooxdii Muuse Biixi hogaaminaayay ay ku xasuuqeen magaalooyinka Dilla, Boorama iyo Saylac.
”Sheekadu waa aan sheegano dadka na diley kiinana ma sheegan kartaan ayuu yiri Cali Wacays oo ku sugan Boorama kana xanaaqay dhalinta xaqdarada uu ku xirtey Muuse Biixi.
Ilaa hadda tirada dhalinyarta jeelka loo taxaabay ayaa la sheegayaa in tiradoodu gaarayso 15 waxase la sheegayaa inay ka badan yihiin.
Sawirada hoose waa dhalinta oo xusey xasuuqii Muuse Biixi
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS