Muuse Biixi ayaa ka qayliyay eryida danjiraha QM u fadhiyay Muqdisho. Shalay ayay ahayd markii dawlada Somaliya u sheegtay Nikolas Haysom inuu ku noqdo Koofur Afrika joogina karin dalka.
Nikolas ayaa si indho la’aana u farogeliyay arimaha gudaha dalka ee Somaliya isagoo la saftey argagixisada iyo koox sheegata mucaarad laakiin hadda la ogaadey inuu biilin jirey.
Muuse Biixci oo warqad soo qorey ayaa ka xumaadey eryida ergayga QM u joogey Somaliya. Waxa la yaable Muuse Biixi oo isagu sheegta inuu ka go’ay Somaliya inteeda kale hadana ka hadlaya arimaha u qaaska ah Koofurta Somaliya.
Wuxuu warqada ku sheegay in maamulkiisu ku jirin arintaan oo ay la sii shaqayn doonaan ergayga la eryay inkastoo ergaygaasi sii joogi Karin dalka.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS