Warar Hoose Oo Ay Helayso Shabakadda ARAABINEWS Ayaa Xaqiijinaya In Khilaaf Xoogani Ka Dhex Curtay Beesha Muuse Biixi ee Ingiriiska.
Khilaafka Ayaa Ka Dhashay Ka Dib Markii Kulan Hoose oo Ay Lahaayeen Isaga Iyo Qurbajoogtaasi Uu Ka Dalbaday In Xoog Iyo Xoolaba La Taageero,
Markii Uu Hadalkiisa Dhamaystay Ayaa Hadalkii waxay qaatey Dadkii beeshiisa ahaa ee Uu Dhaqaalaha Ka Doonayay Waxaanay U Sheegeen In Wakhti Xaadirkan Haddaanu Dayn Haddalada guracan ee Meel Ka Dhaca Ah Iyo Qoqobka Beesha Aanay Siin Doonin Wax Dhaqaale Ah Iyo Cod-Toona.
Warkaasi Makii Loogu Bushaareeyay Muuse Biixi Ayuu Muuse Ka Biyo Diiday, Sidda Loogu Fal-Celiyay Arinkiisii Ahaa In La Taageero, Ka Dibna Waxaa Meesha Kulan Hoosaadku Ka Socday Ka Oogmay Buuq Iyo Sawaxan Intii Fadhiday Mid Waliba Dhankiisa Uu Waji Cadho Leh Ka Muujiyay .
Gabagabaddii Ayaa Laysla Gartay In Guddi La Saaro Muusena Joojiyo Waxyaabaha Kala Fogaynaya Isaga, Beesha iyo beelaha jaarka ah.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS