X

Muuse Biixi oo ku qosley taageerayaashii reer Awdal ee isaga u xiiqey

Muuse Biixi ayaa ku qosley taageerayaashii reer Awdal ee isaga u xiiqey. Taageereyaashaas ayaa helin cadkii ay ka sugayeen ama wasiiro dheeraada sidey u xiiqeen awgeed.



Waxa Muuse Biixi u magacaabay Axmed Muumin Seed oo aan haysan shahaado dugsi oo ay dhici karto in lagu diido. Taageerayaashan ayaa hadda muujin Karin codkooda maadaama Muuse Biixi tusey halkey ka taagan yihiin.



Waxana daaqada ka baxay Prof Axmed Samatar oo Muuse Biixi u sheegay inaanu haynin wasaarad aan ka ahayn qorsheynta oo ah wasaarad madhan.

Waxaad is waydiin kartaa sida reer Awdal cadkooda ku goosan karaan heerka qabyaalad ee iyagu is dhexdhigeen, lacagta lagu hurinayana laga keenay Hargeysa.



Sida kaliya ee cadkooda ku goosan karaan ayaa ah inay doortaan dad saafiya oo la xisaabtami kara askari Muuse Biixi oo hadda ku qoslaya dadkii isku xiijiyay ee hurinayay qabyaalada.



Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.