X

Muuse Biixi oo la kulmey safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay dalka iyo calaacal uu hordhigey

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muusr Biixi ayaa la kulmey safiirkii hore ee dalka Turkiga u fadhiyay Somaliya oo hadda la sheegayo inuu wado isku soo dhawaansho dhexmara dawlada dhexe iyo maamulada qaar sida Somaliland.


Safiirkii hore oo ah ruug cadaa siyaasadeed ahna nin si weyn wax uga taray magaalada Muqdisho inkastoo taasi keentay inay la wareegaan ilaha dhaqaalaha ee dalka ayaa la sheegay inuu diyaarinaayo kulan dhexmara madaxda Somalida siiba maamulka Somaliland iyo dawlada dhexe.


Kulankan safiirka ayaa waxa ka caraysan dawlada Imaaraadka oo Turkiga colaad hoose oo diimeed kala dhaxayso, lacag badana ku bixisay inay dekedda Berbera la wareegto, iskuna dayaysa inay saldhig ay uga duulaan Yaman ka furato.


Muusr Biixi ayaa dhankiisa isna hordhigey safiirka cabasho ku saabsan madaxweynaha Somaliya Farmaajo kuna yiri wuxuu rabaa inuu xoog nagu soo celiyo, inkastoo Farmaajo u jawaabin eedaymaha maamulka Muuse Biixi markasta soo jeediyaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.