X

Muuse Biixi oo la ogaadey dharkii uu xirnaa markuu Sool tagey

Muuse Biixi oo la ogaadey dharkii uu xirnaa markuu Sool tagey. Waxa shalay la arkey Muuse Biixi oo hor fadhiya ciidan aan la sheegin halka ay joogeen laakiin la ogaadey inay Laascaanood dibedeeda ahaayeen oo aanu tagin Tukaraq.


Muuse Biixi oo la arkayay xilli kulayle ah inuu xirnaa jaakad culus oo ahayd mida aan xabadu karin. Wuxuu bilaabay xidhashada jaakadaas markuu ka soo baxay Caynabo oo aanu marna bixin intuu uu saarnaa wadada dheer ee cidlada ah.


Dadka magaalada ee ka madax banaan siyaasada ayaa sheegay in Muuse Biixi soo gelin magaalada oo dad yar oo taageereyaashiisa ah kula hadlin duleedka Laasccaanood kadibna la geeyay xero ina adeerkii Taani ciidan u joogeen oo ka baxsan Laascaanood.

Maba joogin wax ka badan sacad iyo badh magaalada hareeraheeda ayuu yiri oday Xasan Nuur oo jooga Laascaanood.


Gudoomiyaha Puntland ee Sool ayaa isaguna cadeeyay wararka Muuse Biixi iyo aaga Laascaanood.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.