X

Muuse Biixi oo magacaabay maareeyaha duulista iyo madaarada

Muuse Biixi ayaa magacaabay maareeyaha duulista iyo madaarada maamulka Somaliland. Muuse Biixi ayaa soo saaray wareegto uu isagu ku saxiixan yahay magaciisa.



Wareegtada ayuu ku sheegay in Cabdi Maxamed Rodol uu u magacaabay maareeyaha duulista iyo madaarada Somaliland. Wareegtadan ayaa la moodayay inay ka duwan tahay kuwii Siilaanyo magaciisa lagu qori jirey, waxana ka sii daran in aanu saxiixin ayna lahayna shaambad.

Waxayna muujinaysaa jahlinimada aqooneed ee ka muuqata xafiiska Muuse Biixi oo warqadaha soo baxa uu inta badan qori doono wiil uu adeer yahay oo la yiraa Mubaarik Taani.

Jagadan ayaa loo dhiibey nin ay Muuse Biixi isku ardaa yihiin waxana loo dhiibey wasaarad hore loo oran jirey duulista iyo hawada.



Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.