Muuse Biixi ayaa sii daayay Dabcasar amreyna in deg deg looga saaro Somaliland. Dabcasar oo ah majaajileyste ka caana baraha bulshada had iyo jeerna toos u soo gala ayaa maamulka Somaliland ka caraysiiyay.
Waxa Muuse Biixi jeelka u taxaabay Axadii la soo dhaafay aasagoo ku eedeeyay in uu magaca Somaliya soo hadal qaadey kadibna askar u dalbey. Odayada uu ka dhashay Dabcasar ayaa la hadlay Muuse Biixi kana codsaday in Hargeysa laga saaro.
Dadka badankiisa ayaa qaba in Dabcasar caan ku noqdey jeelka Muuse Biixi u taxaabay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS