X

Muuse Biixi waxa baasaboor siisay Jabuuti: Xirsi xaaji Cali

Kadib fadeexadii ka dhacday maanta magaalada Hargeysa hlakaas oo sirdoonka Muuse Biixi u yeedheem hogaamiyaha xisdbiga Wadani Xirsi xaaji Cali ayagoo diidan inuu qarxiyo baasaboorka Muuse Biixi ee Jabuuti siisay.


“Waxay i waydiiyeen su’aalo aan u arkayay in aanan xaq laygu lahayn, oo sharci daro ah, waxa ka mid ahaa hadalkii ugu danbeeyay ee aan saxaafada ka idhi oo muuqda maxaad u hadasheen” ayuu yidhi Xirsi.


“Waxay i waydiiyeen ‘maxaad u sheegtay in shuruudihii madaxweynaha ee dastuurka ku qornaa ay qaar ka mida calaamatul su’aal saarantahay’, waan u sheegay in uu haysto baasaboor Jabuutiyaana oo aan caddaynayo imikana waan u sheegayaa”, ayuu ku celiyay yidhi Xirsi.

Xilliga Xirsi x Cali tagaayay xarunta sirdoonka Muuse Biixi ayaa waxa la socday gudoomiyaha xisbiga Wadani C/raxmaan Ciro.




Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.