X

Naadiga Manjester Siti ee Ingiriiska oo racfaan ka qaatey ciyaaraha laga mamnuucay

Xiriirka kubada cagta ee Yurub ayaa naadiga Carabtu leedahay ee Manjester Siti ka mamnuucay laba sano ciyaaraha Yurub iyo kuwa kale kadib marki lagu helay wax is daba marin la xiriirta kala iibsiga ciyaartoyda.


Xiriirka kubadda cagta ee reer Yurub ayaa sheegay in kooxdaasi si tuuga ah u qarisay lacagaha kala wareega ciyaartoyda halka dhinaca kalana ay kiciyeen aaladaha ay iyagu xayaysiiyaan.

Dhamaan talaabooyinkaas ayaa ka soo horjeedasharciyada kubadda cagta ee Yurub. Waxase laga bnaqayaa in laga jaro dhibco taas o dhici karta inayna u soo bixin is reeb reebka naadiyada Yurub.


Waxa la ganaaxay laca gaaraysa 30 milyan oo UURO, lacagtaas oo koob shaaha ku ah Carabta Imaaraadka ee leh naadiga. Naadiga ayaa sheegay in xukunku hal dhinac ahaa oo waxa dhanba ay iska wateen xiriirka kubbada Cagta ee Yurub oo ay racfaan ka qaaten.


Waxa hadda ay mamnuuc yihiin ilaa sanadda 2022 inay ciyaaraan ciyaaraha reer Yurub.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.