X

Naag cayilku/buurnida ka badatey oo isku caateysay ninkii guursaday oo hadana la furey (SABABTA)

Qisadan cajiibka ah hadana laga yaqyaqsoodo ayaa ka dhacday dalkaasi Sacuudiga sida ay qortey jariirad ka soo baxda dalkaasi oo lagu magacaabo Sada. Jariirada ayaa qortey in ninkan iyo naagtani ay ku noolaayeen caasimada Riyad hase yeeshee ay naagtiisa oo macalimad iskuul ahayd ay aad u buurneyd.

Ninka ayaa markasta ku oran jirey iska rid cayilka waxayna ku noqotey naagtiisa arin walwal badan ku haysa oo markasta ay ku fekerto sidii ay isku caateyn lahayd una qancin lahayd ninkeeda.

Iyadoo sidii lagu jiro ayaa waxa ninkeeda loo bedelay Koofur galbeed dalkaasi Sacuudiga magaalada Najran, taasina waxay fursad u noqotey xaaskiisa oo isla markiiba la xiriirtey qolyaha qurxinta, waxayna gashay qaliin si ay u qanciso ninkeeda cayilkana iskaga rido.

Xaaskii ayaa hadda ah caato aad u quruxbadan, waxana soo noqdey ninkeeda wuxuuna arkey quruxda xaaskiisa sida caatada u noqotey, wuxuuna amaaney cayilka ay iska ridey, waxase ku soo baxay arin aanu filanayn waayo xaaskiisu waxay isticmaashey lacag gaaraysa 80,000 oo lacagta dalkaasi ah si ay hawsha u fuliso.

Ninkii cadho ayuu iskala jaray wuxuuna diidey in uu xaaskiisa la seexdo, wuxuuna guriga ka seexday sariir kale..maalin kadib wuxuu bilaabay in uu furo xaaskiisa.

Ninkan ayaa lagu soo waramay in maskaxdu kala wareegtay oo hurdadu ku yaraatey, waxana la sheegay in uu ku furey lacagta intaas leeg ee ay isticmaashey oo uu sheegay in uu u diyaariyay in uu guri kaga iibsado Riyaad oo ah caasimada dalkaasi.

Waxase uu ilaaway in ay ahayd isaga kii xaaskiisa nafta u keenay ee ay ka seexan wayday markii uu ku caayay cayilka, jeclaan lahaana in ay is caateyso.

Waxa soo akhriyay Rashiid Ceelaayo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.