X

Nabadsugida NISA oo qabtey nin argagixiso ah oo dharka dumarka xiran: SAWIRO

Nabadsugida qaranka ee magaalada Kismaayo ayaa qabtey nin argagixiso ah oo dharka dumarka xiran. War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka xog ay heleen ay sahashay in ninkaan gacanta lagu soo dhigo, islamarkaana hadda ay ku waddaan baaritaano.


“Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ayaa xaley Gacanta Kusoo dhigey Nin Iska Dhigey Haweeney Lana Baxay Magaca Farxiyo Okey. Ninkan Naagta Isku Ekeysiiyay ayaa Laba Habeen laseexday Guri ku yaala Xafadaha magalada kismaayo oo ay Daganayen Laba dumar ah kuwaas oo uu u sheegay In ay soo dhuntay ayna Garaneyn meel ay Tagto Baritaan kadibna waxa Gacanta ku soo dhigey Sirdonka NISA-Jubbaland “ayaa lagu yiri war ka soo baxa taliska Nabadsugida Jubbaland.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.