X

Natiijo horleh oo ka soo baxdey baaritaanka xasuuqii dawlada hoose ee Xamar

Ugu horayn Dawladda Soomaliyeed waxay tacsi u diraysaa intii ku dhimatay xauuqaas, sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajaynaysa intii ku dhaawacantay falki foosha xumaa ee ka dhacday Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar.



• Baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen Hay’adaha Amniga ayaa lagu ogaaday in ay is qarxisay ruux nafteed haligto ah, kana shaqaynaysay Dowlada Hoose ee Xamar, ayadoo kaalmo ka heshy ruux kale oo Dumar ah oo ku qornaa kaaliye, shaqaalana ka ahayd Xaruunta Dowladda Hoose.
• Labada gabdhood ayaa baaritaanku cadeeyey in aan la dhameystirin hubintii loo baahnaa markii la shaqaaleysiinaayay.


• Sida lagu ogaaday baaritaanka, labada gabdhood ayaa fasaxyo isku dhow oo Bil gudeheeda ah wada qaatay, iyadoo xogta qaar ay tilmaamtay in ay tageen goobo ay maamulaan kooxadda gaalaynta muslimiinta ee Shabaab.

Nafteed haligtada ayaa si qaldan ugu tagri fashay caadifaddii ay u hayeen madaxda iyo dadka ay la shaqeynaysay, maadaama ay ka mid aheyd dadka baahiyaha gaarka ah qaba.


Uga dambeen, waxaan Bulshada Soomaliyeed la wadaagaynaa mar labaad in falkaas Argagixiso ee ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose loo soo qab qabtay dad lagu tuhunsanyahay, lana hor gaynayo Hay’adaha Garsoorka ee ku shaqada leh.

Sawirka hoose waa naagta loo tudhey laakiin an hanbeyn

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.