New York–Xoghayaha Qaramada midoobey u qaabilsan Somaliya oo dhan Nikolas Kay ayaa warbixin dheer ka gudbiyay xaalada siyaasadeed iyo amni ee dalka guud ahaan. Warbixinta Nikolas Kay ayaa ka koobneyd nabadgalyada dalka iyo argagixisada iyo halista Yaman kaga iman karta, halka uu marayo hanaanka doorasho lagu gaarayo dalkoo dhan sanada 2016 iyo waxyaabaha u dhiman dawlada Somaliya in ay qabato iyo in uu ku farxay in dalku hadda dib u shaqaynayo kadib maamul la’aan muddo jirtey.
Aan ku bilowno dhinaca amniga ayuu sheegay in la sii xoojiyo ciribtirka argagixisada caalamiga oo hadda iskugu soo biyo shubatay isqarxin iyo dadka muslimiinta oo ay qoorta ka jarto iyo hanjabaado,,wuxuuna sheegay in hadda iyaga ay ilaaliyaan askar ay leedahay qaramada midoobey oo hadda u guureen gudaha Muqdisho kana guureen madaarka.
Dhinaca doorashooyinka Somaliya guud ahaan ayuu sheegay in sida loo dhisayo maamulo qabiil ku dhisan aan loo horumarin dastuurkii lagu shaqayn lahaa ee fududeyn lahaa wuxuuna sheegay in arimo badan ay u yaalaan sida dhisida gudiga doorashooyinka oo Qaramada midoobey ka caawin doonto qaabka ay noqonayaan,, xuduudeynta gobolada,,iyo dib u eegista dastuurka.
Wuxuu walaac ka muujiyay doorashooyinkii ka dhici lahaa Somaliland bisha soo socota oo muddo kordhin aan qiil lahayn ay sameeyeen guurtida taas oo uu sheegay in aan la aqbalayn kuna baaqay in deg deg looga wadahadlo sidii loo yarayn lahaa.
Wuxuu kaloo ka hadlay in argagixisada looga guulaysan karo in la dhiso ciidan Somali ah oo kaliya taasna uu ugu baaqay wadamada ku jirta caawinta Somaliya in ay dedejiyaan.
Lacagtii Somalida loogu baaqay sanadii 2013 ayuu sheegay in boqolkiiba toban ay soo gaareen dalka taas oo uu sheegay in ayna kaafinayn xaalada jirta wuxuuna ku farxay in hadda la sameeyay hal koonto oo lagu soo shubi karo lacagaha oo dhan.
Wuxuu walaac ka muujiyay dilka lagu fuliyo argagixisada iyo dadka kale ee xasuuqa ummada Somaliyed wuxuna sheegay in Somaliya in uu sii batay inkastoo ayuu yiri ay SOMALIDU balanqaadeen in ay joojiyaan dilalkaas.
Nikolas ayaa amaanaya sida hadda wax u socdaan isagoo balasn ka haysta in dawlada hadda jirta aan loo kordhin mudada,,ugu dambeyna wuxuu sheegay in hada ay jiraan 730,000 qof oo Somali oo aan haysan cunto ay cunaan.
Waxa soo akhriyay soo koobey Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM