X

Nin argagixisada u qaabilsanaa duubista xasuuqyada ay gaystaan oo maxkamad la soo taagey: SAWIRO

Nin argagixisada u qaabilsanaa duubista xasuuqyada ay gaystaan iyo miino xirista ayaa maxkamad la soo taagey ugu dambeyn. Maxkamada ciidanka ayaa ninkan su’aalo ka weydiisay dembiyada uu gacanta kula jirey markii gacanta lagu soo dhigey.


Wuuna qirtey ninkan oo magaciisa la yiraa Jaamac Xuseen Xasan laakiin argagixisada ku dhex joogi jirey magac beena oo ka bilaabma ABUU.

Markii ninkan la soo qabtey ee gurigiisa la tagey ayaa laga helay kaamirada uu ku duubi jirey muuqaalo naxdinleh oo ay ku jiraan muslimiin ay si xun u cadaabayaan kadibna dilayaan, ayagoo weliba Alle U NISBAYNAYA xasuuqaas oo leh Allaahu Akbar.


”Ma eegi karo waxa ku jira muuqaalada ninkani duubtey ee marka dambana lagu shubi jirey aalada youtube ayuu yiri sarkaal ka mida kuwii daawadey ee tagey gurigiisa oo xataa ka helay miinooyinkii uu aasi jirey qaarkood oo yaala.

Waxa kale oo maxkamada la hor cadeeyay xasuuqyo uu ka gaystey Puntland. Xukunka argagixiskan weyn ayaa dib loo dhigey.


Sawiradan hoose oo maxkamadu daawanayso wixii laga helay kaamaradiisa oo ay ku jirto argagixiso bastoolad wata.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.