X

Nin argagixisadu meyd ahaan uga tageen oo dib u xirey raggii dhaawacay

Nin argagixisadu meyd ahaan uga tageen magaalada Muqdisho ayaa isla kuwii oo isaga raadinaaya uu ku arkey Baydhabo kadibna u dhiibey ciidanka.

Labada argagixiso ayaa sanadkii hore Magaalada Muqdisho ku dhaawacay ninkan dhalinyarada ahaa,



waxayna uga daba yimaadeen Magaalada Baydhabo, si ay ugu waxyeeleeyaan, xilli dhawaan ay khadka teleefanka uga soo hanjabeen in ay khaarajin doonaan.

Jimcihii ayay raggan iyo ninkii ay doon doonayeenba ay si lama filaan ah isugu arkeen suuqa weyn ee Baydhabo, waxaana dhacday in ninkaasi uu u qaylo dhaansado ciidan suuqa ku sugnaa, kuna wargeliyay in raggani ay argagixiso yihiin, isla-markaana uu doonayo in loo qabto, maadaama ay Muqdisho ugu gaysteen dhaawacyada uu hadda ka bogsaday.



Argagixisadii ayaa gacanta lagu dhigey ayagoo xilligaa wax hub ah wadan, waxana loo dhaadhiciyay saldhiga iyo xarumaha baaritaanka si loo si baaro.

Arintan aya lagu tilmaamay guul ayadoo inta badan ayna dhicin in argagixisada la helo maadaama ay afka duuban yihiin kuna dhexmilma dadka shacabka.



Afduubka ayaa keenaya ayagoo diinta ay wataan ay bug tahay Islaamkuna beri ka yahay xasuuqyada ay gaystaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.