X

Nin laga shikiyay oo lagu qabtey agagaarka madaxtooyada

Nin laga shikiyay ayaa lagu qabtey agagaarka madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Ninkaan ayaa la sheegay inuu maraayay meel ku dhaw Hotelka SYL, gaar ahaan Koontarool ciidanka Koofi gaduuda halkaasi ku leeyihiin, waxaana u yeeray askari oo ka shakiyay.


Markii ninkan ay qabteen askarta goofiyad guduuda ee la baaray ayaa jeebkiisa laga helay dhowr aqoonsi oo kala duwan oo uu watey. Waxa markiiba loo kaxeeyay dhinaca madaxtooyada si loo sii baaro.


Ninkaan ayaa la sheegay inuu yahay dhalinyaro, qaab ahaana meelaha uu eeg eegaayay xilliga ciidamada ay qabanayeen, waxaana laga shakiyay eegmadiisa meelaha.

Feejignaanta ciidamada Koofi gaduuda ayaa la kordhiyay wixii ka dambeeyay isku dayadii weerar ee Shabaab ay ku sameeyeen xayndaabka Madaxtooyadda Somaliya.


Argagixisada oo dadka ka mida ayaa si fuleynimo oo gaadmo ah ku gasha xarumaha dawlada ayagoo isqarxinaya caawimana ka hela isla kuwa ka shaqeeya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.