X

Nin loo malaynayo in argagixisadu dishey oo meydkiisa laga helay Muqdisho

Nin loo malaynayo in argagixisadu dishey oo meydkiisa laga helay Muqdisho. Ninkan ayaa ilaa hadda aan la aqoonsan halka uu ka yimi, waxa jirkiisa xagga sare ku taalay rasaastii lagu diley.



Dilalka qorsheysan ee fuleynimada waxa inta badan ka fuliya Koofurta Somaliya argagixisada shabaab oo dhamaan gaalaysay Muslimiinta Somalida.

Dadka deegaanka xaafada Cali Turcaaye ayaa ka argagaxay markey arkeen saakadii hore meydkan, waxayna waceen masuuliyiinta xaafada oo markiiba yimi goobtana ka qaadey meydka.



Ninkan aan la garanayn ayaa da’diisa lagu qiyaasay ilaa 30 jir. Masuuliyiinta degmada Heliwaa ee Muqdisho ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaan.

Argagixisada shabaab ayaa hadda si xayaysiina u soo duubta dadka Muslimiinta ee ay xasuuqaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.