X

Nin madow ahaa oo xisbiga shaqaalaha Ingiriiska isku soo sharaxay oo hadda dib uga noqdey

London–Nin madow ah oo lagu magacaabo Chuka una dhashay Ingiriiska dhalasho ahaanse ka soo jeeda Nayjeeriya iskuna soo sharaxay xisbiga shaqaalaha ee Ingiriiska ayaa ka noqdey ka qaybgalka tartanka doorashada hogaanka xisbiga. Chuka Umuna ayaa sheegay in aanu qaadan karayn cadaadiska iyo faragelinta la saaro madaxda isa soo sharaxda.

Chuka ayaa sheegay in faragelinta iyo xoriyad la’aanta durbaba fuushey uuna u qaadan Karin taas oo wax u dhintey qoyskiisa aanu rabina in uu xoriyada ka qaado qoyskiisa.

Inta kula jirtey tartarka madaxtinimada xisbiga shaqaalaha ayaa iyagu ku amaanay go’aanka iskastoo qaar kaliya sheegeen in ay ka xunyihiin in uu ka laabto. Si kastaba ha ahaatee waxa markasta jirta in dhalinta madowga ay dib uga gurtaan hawlaha waaweyn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.