X

Nin reer galbeedku wateen Muslimiintana ku tilmaamay baranbaro oo xabsi lagu tuurey

Ninka lagu magacaabo Alag oo taageero yar ka haysta xisbiyada Ruushka laakiin rabay inuu Ruushka ka dhigo cara khaniis ayaa maxkamad ku taala caasimada Moosko ay ku xukuntey laba sano iyo bar xabsiya markii uu jabiyay xukunkii lagu sii daayay.


Alag oo reer galbeedku aad u jeclaayeen ayay isku dayeen inay u yeelaan sumcad aanu lahayn ayadoo dadka Ruushku ogyihin inuu yahay daba dhilif weyn oo khaniisiinta u adeega, cunsurina ah.

Alag Navalni (Alexey Navalny) ayaa heer cunsurinimo iyo nacayb uu ka gaaray Muslimiinta ku tilmaamay baranbaro ay tahay in kab lagu dilo haddii kabtu ay dili weydana lagu dilo bistoolad muuqaal uu iska soo dubey sanado aan dheerayn.


Wuxuu dalbadey in Muskimiinta Ruushka ku hoos nool laga masaafuriyo dalka, ayadoo la ogyahay in Ruushku ku mitiday xilligii ay Jejniya rabtey inay go’do inkastoo kooxda waday ahaahyeen argagixoso.


Goobta maxkamadu ka dhacaysay ayaa waxa ka buuxiyay taaheereyaashiisa oo u badan safiirada reer galbeedka ee jooga Ruushka. ”Ugu yaraan laba sano iyo bar maqli meyno ayuu yiri Xuseen Warsame.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.