Ciidanka amniga Muqfisho ayaa gacanta ku dhigey nin dharka dumarka xiran afkana soo xirtey oo dadka degan xafada Kaaraan ay ka shikiyeen. Cabsi la soo deristey dadka xaafada ayaa ku jaliftey inay booliiska u yeeraan si ninkaan loo qabto.
Ciidanka amniga ayaa markii ay qabteen ninkaan baaris ku bilaabey laakiin ka waayay hub waxayna markiiva isku dhaafiyeen qaybta dembi baarista si loo sii faqo lana ogaado waxa uu ka qabanaayay xaafadaha una xirey dhar dumar afkana u dabooshey.
Maaha markii u horeysay ee Somaliya guud ahaan lagu qabto rag soo xirta dharka dumarka afkana duubta sidii dumarka carabta inkastoo dhaqankaasi af duubashada hadda uu ku faafay Somaliya, ayna yihiin argagixisada kuwa ugu horeeya ee ku gumaada dadka.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS