Julian Asange oo leh shabakada WikiLeaks ee ka qaylisiisey Maraykanka kadib markuU qashifey siro waaweyn ayaa gaarey guul ka caraysiisey Maraykanka oo raba in uu xiro ama ku xukumo dil toogasho.
Asange ayaa shabakadiisa WikiLeaks ay faafisey siro kaga cabaadsiiyay Maraykanka aduunkana tustey heerka Maraykanku u shaqeeyo iyo dhulalka iyo wadamada uu damacu kaga jiro iyo waliba siro qarsoonaa oo uu qarxiyay.
Guddi ka kooban QARAMADA midoobey ayaa u fariisatey kayskiisa waxayna soo saareen in Asange aanu gelin wax dambi oo ay tahay in la sii daayo.
Ingiriiska ayaa sheegay in qaraarkaasi aanu iyaga quseyn oo Asange ku jirayo safaarada Ecuador hadduu soo baxana la qaban doono loona gudbin doono Maraykanka.
Arinkan waxay meel weyn kaga dhacaysaa xoriyada Asange waxana dhici karta in dawlada Ingiriiska lagu cadaadiyo in ay sii dayso oo fadeexad ku tahay in nin la oogey in aanu dambi gelin lasii hayo.
Asange ayaa sheegay in haddii lagu helo uu isna is dhiibi doono hadase waa ka guuleystey.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS