Waxa magaalada Atlanta ee dalkaasi Maraykanka ka dhacay dil toogasho oo Booliiska magaalada u gaysteen nin madow oo sida la daawaday cabsanaa laakiin aan wadin wax gaariya. Gaariga ninka madow wadey ayaa yaalay meel gawaadhida la dhigto.
Xilliga dilku dhacay ayaa booliisku isticmaalay rasaas nool markii ninka madow ee la diley uu Ka qaatey qalab lagu suuxiyo dadka la baaro. Dilkan foosha xun ayaa yimi xilli aduunka oo dhan ay ka dhacayaan dibed baxyo looga soo horjeedo ninkii hore.
Waxa markiiba dab la qabadsiiyay goobtii lagu diley ninka madow, waxana magaalada Ka bilowdey banaanbaxyo horleh. Sarkaalka booliiska ee gobolka ayaa is casishay, waxana la eryay askariga booliiska ee dilka gaystey.
Dadka daawadey muuqaalka ayaa isku raacay in arintan oo kale aan haba yaraatee mudneyn in lagu gooyo qof naftiis maadaama ninkani hubeysneyn oo ay ku xalin kareen si kale. Waxayna muujinaysaa jaahilnimada iyo cunsuriyada taala Maraykanka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS