X

Ninkii haybsooca loo gubey oo Muqdisho lagu aasay iyo sawirka lamaanaha lagu diley

Ninka haybsooca loo gubey oo Muqdisho lagu aasay. Axmed Dawlo oo geerash ku lahaa Muqdisho kana soo jeeda beesha Jareerweyne inkastoo diideen in loogu yeero Jareer ayaa si arxadndaro loo diley kadibna loo gubey.


Dadka loo yaqaan Jareerweyn ayaa asal ahan ka soo jeeda Kiiniya waxana dhulka Somalida keenay Ingiriiskii si kastaba ha ahaatee Ingiriisku ma fileyn inay diinta Muslimka qaadan doonaan.

Ka hor inta aan la dilin Marxuum Axmed Dawlo waxaa loo soo diray hanjabaad iyo iyadoo gurigiisa lagu tuuray bam gacmeed aan khasaare geysan, sida ay sheegeen eheladiia.


Qaar kamid ah masuuliyiin dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin Xildhibaano ayaa soo jeediyay in aroos qaran loo sameeyo lamaanaha uu dartood u dhacay dilkan, balse dadka qaar ayaa qaba in arrintan aysan xal u noqon karin “aroos qaran” ee dowladdu soo saarto sharci wax looga qabanayo gabood-fallada noocaan ah.


Waxa la sheegay in falkan ay u xiran yihiin dhowr qof, inkastoo dowladda Soomaaliya aysan faahfaahin ka bixin.

Lamaanaha aadka isu caashaqay ee dartood u dhacay falkan foosha xun ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar iyo Ruqiya Cabdulaahi Maxamed.

Sawirkooda hoos

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.