X

Ninkii qirtey inuu isagu huteelka geeyay Xamdi Maxamed oo maxkamad la soo taagey

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa la soo taagay eedaysayaal loo soo qabtey falkii wuxuushnimada ahaa ee loo gaystey Xamdi Maxamed Faarax oo laga soo tuurey dabaq. Waxa maxkamada la soo taagey 12 qof.


Ninkii ciidamada booliiska ka soo qabteen magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ee isagu qirtey inuu Xamdi Maxamed oo 19jira geeyay huteelka ayaa ku jira raga taagan maxkamada.

Laamaha amniga ayaa lagu amaanay sida degdega ee ay u soo qabteen raggan ku kacay falkan wuxuushnimada ah ee ugubka ku ah dhaqanka iyo diinta ummada Somaliyeed.

Waxa la sii daayay dhowr nin oo uu ku jiro ninka leh carwada uu ka shaqayanaayay ninka isagu geeyay Xamdi Maxamed huteelka.


ā€¯Waxaan haynaa qirasho waxaanse sugeynaa inay isa so bandhigaan oo kala hadlaan marka arintu ku ciirto yuu yiri nin ku taqasusay arimahan.

Waxa goobta joogey ehelada Xamdi oo iyaga io shacabka Somaliyeed sugayaanin qoorta loo dheereeyto dhamaan kuwa kufsaday iyo kuwa dabaqa ka soo tuureyba.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.