X

Norwey oo dugsiyada dalkeeda ka madnuucaysa waji-qarinta iyo sababta

Norwey ayaa dugsiyada dalkeeda ka madnuucaysa waji-qarinta iyo waxkasta oo keenaysa in la qariyo wajiga qofka. Waa wadankii ugu horeeyay ee ka tirsan wadamada sadexda ah ee loo yaqaan Scandanevia oo ku talaabsada arintan.

Arintan ayaa imaanaysa ayadoo wadamo badan madnuuceen waji-qarinta oo ah dhaqan carbeed laakiin ku soo badanaya wadamada Yurub maadaama uu yimi qoxooti badan oo ka yimi Carabta.



Dhaqanka waji qarinta ayaa waxa faafiya urur diimeedka Salafiyiinta/wahaabiyada ee ka dhisan wadamada Carabta dagaalna kula jira urur diimeedyada kale.

Norwey ayaa sheegtay in ay wax u dhimayso wada xiriirka dadka haddii mid ka mida soo qariyo wajiga.

Wajiqarinta Somaliya ayaa waxa laga madnuucay gobolada dhexe halkaas oo loo diidey in dhaqanka wahaabiyada/salafiga uu cagaha dhigto dalkeena. Goobaha Norwey ka madnuucdey waji-qarinta ayaa waxa ku jira jaamacadaha, goobaha xanaanada iyo dugsiyada.



Muran xoogleh ayaa yimi markii urur Islaami ah oo Sucuudigu lacago siiyo uu haweenay weji-qarsoon ka dhigtey af-hayeen.

Dadka diidan sharcigan ayaa ku doodaya in ay aad u yaryihiin dadka wejiga qarsadaa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.