Dawlada Maraykanka ayaa raaligelin ka bixisey xasuuqii ka dhacay isbitaal ay maamushey hay’ad basaasa oo reer galbeedku leeyihiin oo la yiraa MSF oo adeegyo caafimaad u fidisa dadka tabaaleysan oo u badan dunida fiqiirka ah ee fowdadu ka buuxdo. Gantaal Maraykanku ganay ayaa ku dhacay isbitaal ku yaal magaalada Kunduz oo argagixisada talibaan soo galeen.
Obama ayaa sidoo kale raaligelin u diray madaxweynaha Afgaanistaan dhacdadii foosha xumeyd. Nin u hadlay Obama ayaa sidoo kale carabka ku dhioftey in Maraykanku siinayo magdhow dadkii lagu dilay uisbitaalkaas ay maamusho hay’ada reer galbeedka.
Dadka badankiisa ayaa is waydiinaya Obama wuxuu xasuuqey dad u badan siiba kuwa lagu dilay diyaaradaha aan is wadin kuwaas iyaga maxaa loo siin waayay magdhow mise hay’adan reer galbeedka ah ayaa lays tusayaa.
Rashiid Ceelanyo
ARAABINEWS.COM