X

Oday dhaqameedka iyo culimada gobolka Awdal oo si wadajira war u soo saaray iyo faalada

Oday dhaqameedka iyo culimada gobolka Awdal ayaa si wadajira uga digey iska hor imaadka ka iman kara doorashada ayadoo xisbiga Kulmiye bilaabey cagajugleyn.

Isku dirka dadka Awdal ayaa bilaabmey kadib markii Suldaan Dhawal uu si qabyaaladeysan ula saftey Axmed Muumin Seed markii looga badiyay kurisiga ku xigeenka asagoo markaa huwanaa magaca afhayeenka Samaroon.



Kuraasta ka soo baxda barlamaanka Somaliya iyo kuwa maamulka Somaliland ayaa si isku mida loo qaybsan jirey ayadoo la ogyahay in beelaha Maxadcase iyo Habarcafaan ayna la sineyn kuwa Makaahiil ee la kala badan yahay.

Waxa la iswaydiin karaa nidamkaasi sare ee cadaalada ah ee aan ka jirin ummada Somaliyeed dhexdeeda laakiin ka jira Samaroon ma sii socon karaa. Jawaabtu waa Maya iyo Haa waxase imaan karta is qadarin markey timaado kuraas qeybsi.



Waayo waxa Samaroon dhexdiisa hadda is ogaadey qolaba welliba halka ay joogto iyo tamarteeda si markaad u eegtana wey fiican tahay oo mardambe ma dhacayso in Makaahiil la kala googooyo laguna awrkacsado sina uma fiicna oo Samaroonku wuxuu la mid noqonayaa Somalida kale ee isyasta.



Kulanka maanta ayaan hal boog welli dhayin, waxase guud ahaan lagu farxi karaa in Samaroon isku iman karo ayagoo mida ugu yaraan marqura.

Waxaase muhiima in doorashada kadib marka la kala baxo dib loogu noqdo sidii Samaroonku u ilaawi lahaa wixii dhacay iyo in aan oday dhaqameed dambe oo magac weyn huwan u kala eexan dadkiisa.

Lacagta isku dirkan ayaa inta badan ka imaanaysay Hargeysa.





Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.