X

Odayo aan waxba galabsan oo Ramaax u xidhey afduubkii xaajiyada maamulka Siilaanyo ee Borama

Boorama–Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya Boorama ayaa ku soo waramaya in odayo ka tirsan beesha Jibriil Yoonis uu Ramaax jeelka u taxaabay iyadoo aan la garanayn sababta uu u ugaadhsanayo dad aan waxba galabsan.

Saaka ayay ahayd markii xaajiyad madow oo maamulku lahaa la afduubey oo loo kaxaystay dhinaca iyo galbeedka gobolka AWdal.

Odayadan la xidhay ayaa wali ku jira jeelka magaalada waxa socota waan waan ah in la soo daayo haddii kale loo sheegay in uu isagu masuul ka yahay wixii ka dhaca.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.