X

Odeygii haduu asaasaq yahay oo Araweelo taliso: qalinkii Caasha Jaamac

Odeygii Haduu Asaasaq Yahay oo Araweelo Taliso, Wadankii oo Abaara
Hadii ay Dagaal Iclaaminayso, Guurti & Baarlamaan May Arinta Eegaan.
Odeygii Isagu Waa Sawirkaa Sudhka Xidhan, ee Diyaaraduun La Saaraayo.
Odeygii Hadal & Su,aalna Toona Sooba Rogi Waa, oo Sawirkiisa Uunbaa Tv,yada La Soo saaraa.
Odeygii Sanqadh Ma Laha, oo Socod Ma Laha, oo Sawaxan Ma Laha, Sidii Sebigii ayaa La Sidaa Uun.
Odeygii Wadankii oo Abaaro Duunyadii Dabar Gooysay, Doollar & Diinaar Toona Uuguumuu Deeqin.
Odeygii Shicibkii oo Sixir Barar oo Wada Saaqay, Ayuunbuu Cashuurtuun Ku Sii Daraa Oonu Damqanayn.
Odeygii Ma Taliyo, Ma Hadlo, Ma Hugmo, Ma La Helo, Hadana Sawirkiisa ayaa Meelahasi La Mariyaa.
Odeygii Wadankii oo Abaara,Gaajo, Biyo La,aan, ayuu Dagaal Iclaamiyey oo Dhiigna Daadinayaa.
Odeygii Wanaag, Waxtar, Nabad Maba Yaqaano, ee Colaad, Cunfi & Abaar & Aafooyinkuu Oogaaba.
Odeygii Wadankii oo Abaara, Colaad & Dhiig Daata, Mabuu Aguugan, Ee Nabad & Wanaag ayuu Iclaa-
min Lahaa.
Odeygu Wuu Asaasaqay oo Arin Maba Keeno, ee Islaantiisa ayaa Colaad & Belaayo Soo Afuufaysa.
Odeygu Kursiga uu Ku Fadhiyo Sxeexuunbaa Laga Marsadaa, ee Araweelo ayaa Arligaba Xukunta.
Odeygu Waa Amuumahaa aan Ogeyn Aduunka uu Joogo, ee Hadana Magaciisuun Lagu Muraadsado.
Odeygu Umadii oo Gaajo, abaaro, Duunyadii Madhatay, Ayuu Reerkiisa Doollar u Doondoonayaa oo
Diyaarado U Raacaa.
Odeygu Miyuu Ilaahay & Aakhiraba Ilaaway, Markuu Umadii uu Ka Aamusay, Hadana Colaad & Aafo
Ariminaayo.
Odeygu Umadii Ma Eego, Hadana Reerkiisa Ayuu Doollar & Daaro uu u Doonaa, ee Debigaasi Sow Ilaahay
Dumadiisa Sudhi Maayo.
Odeyga Islaantiisa, Xigtadiisa, Kuwa Hablihiisa Qaba Ifkii Haday Aafo U Xabaarsheen, Aakhiro Ehel Ma Laha
ee Olol & Naaraba Yaala.
Odeygii Haduu Asaasaq Yahay oo Araweelo Taliso, Wadankii oo Abaara Hadii ay Dagaal Iclaamisay, Guurti
& Baarlamaanku May Arinta Eegaan.
Wabilaahi Tawfiiq.
Anigaa Qoray.

 

admin:

This website uses cookies.