Hogaamiyaha mucaaradka Kiiniya Odinga ayaa war ka soo saaray doorashada Kiiniya ee ku celiska kana haray tartanka asagoo ka baqay in si xun loogu garaaco.
”Aniga iyo ku xigeenkayga waanu ka harney doorashada maadaama aan la fulin wixii aan dalbadey ayuu yiri Odinga oo shir jaraaid qabtey.
Odinga ayaa rabey in wax laga bedelo guddiga doorashada oo uu soo xusho kuwo isagu rabo si ay ugu shubaan doorashada waxase loo sheegay in taasi waqti loo haymn.
Lama garan karo in doorashada sidaas ku dhici doonto iyo in Odinga magacaabi doono musharixiin iska celiya Kenyatta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS