X

Ogeysiis ku socda qurbajoogta bahweynta Bahabar Cabdalle

Fariin socota Ku  socota dhamaan qurbajoogta Bahabar Cabdalle ee ku nool dunida daafaheeda waxaan ka codsanaynaa in ay ka qayb qaataan deeqda lagu dhisayo degmada cusub ee Harawo ee Dharwanaaje. Fariintan muhiimka ah ayaa ka timi xildibaanka laga soo doorto deegaanka Dambal ahna wasiir ku xigeenka Sportiga iyo dhalinyarada dawlad deegaanka Somalida Itoobiya C/shakuur Cusmaan Dhegawayne.
Dhawaan ayay ahayd markii dawlad deegaanka Somalida Itoobiya laga magacaabay magaalo madaxyo cusub iyadoo sidoo kalana la magacaabay degmooyin cusub isla markaana dadka deegaanka laga codsaday in ay ka qayb qaataan dhisida degmooyinka cusub.
Waxa sidoo kale la furay akown lagu soo diro lacagta lagana furey xawaalada KAAH oo iyadna balan qaadey in lacagta loo soo dirayo dib u dhiska ayna ka qaadi doonin khidmad oo bilaash ku diri doonaan.
Qurbajoogta ayaa laga codsaday in ay hirgeliyaan xarun caafimaad iyo dugsi ay yeeshaan magaalo madaxyada cusub ee la magacaabay sida Dharwanaaje oo xarun u noqotey deegaanka balaadhan ee Harawo.
 ARAABINEWS
 
admin:

This website uses cookies.