Dhaawacyadii Turkiga loo qaaday ayaa war fiican laga soo saaray. Waxa maanta garoonka Muqdisho ka soo degaya dhaawacyo laga soo celinayo Turkiga kuwaas oo xaaladoodu aad u fiican tahay.
Waxa garoonka Muqdisho ku sugan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Ehelada dhaawacyada iyo xubno kale si ay ugu muujiyaan niyad wanaaga ay u hayaan.
Dhaawacyada maanta dalka lagu soo celinayo ayaa waxa ay kala yihiin.
1.Ismaaciil Ibraahim Maxamed
2.Maxamed Ashkir Cawaale
3.C/salaam Cusmaan Saalax
4.Mahad Cabdi Sheekh
5.Maxamed Cali Wehliye
6.C/qaadir Maxamed Cabdulle
7.Istar Cali Maxamed
8.Mursal Sheekh Axmed
9.Cali Maxamuud Maxamed
10.Faaduma Xaaji Cali
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah e Soomaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo hadal kooban ku soo qoray facebookiisa ayaa sheegay in ay u mahadcelinayaan Dowladda Turkiga oo kaalin weyn ka qaadatay sidii gar gaar loogu fidin lahaa dhaawacyadan.
“Waxaan u mahadcelinayaa Turkiga oo dhaawacyadii darnaa ay 10 ka mid ah bogseedeen oo maanta ay ku soo laabanayaan dalkooda hooyo’. Ayuu yiri Wasiir Yariisow.
Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa si gaar ah xaflad sagootin ugu sameeyey dhaawacyada, kuwaasi oo muuqaal ahaan marka aad aragto ka muuqanaysa farxad iyo reyn reyn.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS