Cisaam wuxuu dareemay murugada hooyadii wuxuu eegay wejigeega oo ay ka muuqato muruga-weyn, wuxuu ogaaday waxa ay ka fekereeyso iyo xusuusta maskaxadeeda kusoo-noqnoqaneysa, maxaa yeelay isaguba wuxuu dareemayay in ay farxadiisan maanta ay wax badan ka dhiman yihiin, isagoo ay ilmo ka timid, markii uu xusuustay aabihiisii qaaliga ahaa ee aan maanta u dhoweyn, kalena qeyb-galeyn farxadan uu dareemayo.
Wuxuu waajib u arkay inuu iloowsiiyo hooyadii dhibaatadaa iyo murugadaa ay xusuusatay, wuxuuna Cisaam hooyadii ku yidhi [Hooyo insha allah waxaad iga heli doontaa waxkasta oo ku raaligeliya oo kaa farxiya, wakhti dhow ayaanad iloobi doontaa murugooyinkii iyo dhibaatooyinkii aad hore u soo martay].
Wuxuuna garbaha qabtay hooyadii isagoo ka masaxaya ilmada faraha badan ee buuxisay dhabanadeeda, isagoo aad uga xun geerida aabihii ku timid isaga oo inan yar oo ku koray Agoon-nimo oo ay noloshiisu ay ka marantahay daryeelkii aabe iyo naxariistiisa, inkastoo hooyadii ay wax badan u tartay, hadana ilmaha kama maarmo aabe weliba haduu wiil yahay.
Wuxuu cisaam dareemay inay hooyadii tahay qeyb weyn oo noloshiisa kamid ah iyo inay tahay meesha keliyah ee uu ula noqonayo dhibaato kasta oo soo wajahda,mana-haysto cid kale oo wax-laqabaneeysa.
Run ahaantii Cisaam hooyadii waxay noloshiisa ka ciyaartay doowr-weyn si ay usoo saarto shaqsiyadiisa, waxayna ku tarabiyadeeysay Akhlaaq wanagasan, waxayna nafsadiisa bartay shaqo jeceyl, samirka iyo adkeeysiga ay ubaahan-tahay nolosha, waxayna kula dadaashay wakhtigiisa inuu ka faa’iideysto, wuxuu Cisaam noqday inan hanuunsan oo nafsadiisa ka adag, oo ku haminaya mustaqbal weyn inuu gaadho.
Run ahaantii hooyadii ayaa sabab u aheyd inankeega inuu waxbarashada meel wanaagsan ka galo, waxayna habeen iyo dharaar la garab taagneyd duco iyo dhiiro-gelin taas oo u suuro gelisay Cisaam inuu hore u talaabsado,oo uu qeeyrkii dhaafo.
Cisaam hooyadii wuxuu ku yidhi [ Hooyo adigu waxaa tahay cida fadliga iyo xaqa ugu weyn igu leh, adigaana igaadhsiiyay heerka aan maanta marayo, waxaanan kaa Abaal marin doonaa guul kasta oo aan gaadho].
Hooyadii Heeyfa waxay ugu jawaabtay [Maya ee dadaalka aad sameysay iyo tacabka aad gelisay waxbarashada inankeeygiiyow ayaad ku gaadhay].
Cisaam wuxuu galaya jaamacada kuliyada Caafimaadka, wuxuu bilaabay barashada cilmiga caafimaadka oo uu xiiso badan u qabay.
Wuxuu geliyay wakhtigiisa oo dhan waxbarasho, waxaana sii korodhay rejediisii iyo dumuuxaadkiisii maalmo dabadeed.
Hase-yeeshee fikirka Cisaam wax weyn baa iska bedelay oo maanta raali kama aha in la yidhaahdo waa arday oo keliyah,ama kuliyada Caafimaadka ayuu dhigta oo keliyah, intaa oo keliya kuma filna ee wuxuu doonayaa inuu noqdo ardayga kaalinta koowaad ka gala waxbarashada, iyo imtixaanaadka, iyadoo aanay jirin wax udiidaya arintaa hadii uu dadaalkiisa sii libin-laabo.
Maanta Cisaam kuma filna in la yidhaahdo shahaado dekree ayuu qaatay oo keliyah ee wuxuu doonayaa inuu sii wato waxbarashadiisa sare ee ku saabsan Taqasusyada caafimaadka ilaa uu ka gaadhayo PHD.
Wuxuu go’aan ku gaadhay inuu ku dadaalo baadhitaano cilmi ah si uu u noqdo aqoon yahan weyn oo ka mid ah dhakhtarada waaweyn ee dunida, kuwaas oo uu ka waramo caalamku guulaha ay ka gaadheen aqoonta caafimaadka.
wuxuu cisaam ku yidhi nafsadiisa: [Dhakhtarada reer galbeedku nagama maskax badna,ee waxay ka faaideeysteen waqtigooga,markaa waa inan caalamka wax-wanaagsan kusoo kordhiyo,anigoo adeegsanaya tiknoolajiyada casriga ah].
Wuxuu kaloo Cisaam odhanayay: [Inaga waajib inaguma ahaa wadada siday doonto ha u dheeraatee, waxaa waajib inagu ah inan talaabada hore u qaadno oo keliya].
Cisaam talaabadiisii koowaad ayuu hore-u qaaday wuxuuna galay kuliyada caafimaadka insha allah talaabada labaad ayuu dhowaan xaqiijin doonaa.
LA SOCO QEYBAHA KALE….
Qoraaga buuga oo Af-carabi ku qoray:
Dr Camaad Zeki
Turjume:
Qoraa: Ustaad Asad Muuse Kibaar
Email: asadmuuse03@hotmail.com
Telephone: +252-63-4453653 and +252-65-9294630
Borama – Somaliland
ARAABINEWS