X

Orodyahanka Maxamed Faarax oo ku guulaystey orodka dheer

Orodyahanka Maxamed Faarax ayaa markale ku guulaystey orodka dheer ee la ordo saacada asago garaacay orodyahan ka socda dalkaasi New Zealand.



Waa markii afraad oo uu ku guulaysto orodkan aadka u dheer. Maxamed Faarax ayaa hadda ka guurey Ingiriiska una guurey dalkaasi Maraykanka halkaas oo caruurtiisa waxbarasho ka galeen.

Maxamed Faarax ayaa sheegay bishii hore in uu ka fariistey orodada garoonka hadana ordi doono orodo khaasa sida kan uu maanta ku guulaystey.



Wuxuu dhinaca kale ka gaabsadey in uu ka qayb geli doono orodada Tokyo ee abnada 2020.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.