X

Portuqaal oo u soo baxdey wareega sadexaad kadib markii ay dirtey xulka Poland

Xulka Qaranka Portuqaal ayaa u soo baxay wareega sadexaad kadib markii ay direen xulka qaranka ee Poland. Ciyaarta ayaa sagaashankii daqiiqo ku dhamaatey hal iyo hal iyadoo goolka ay ku hormartey Poland.

Poland ayaa muujisey ciyaar wanaag dhowr jeerna qaaday weeraro ay ku sigtey xulka Portuqaal oo ay ka jajabneyd. Ugu dambeyn waxa loogu darey 30 miridh in ay ku kala baxaan.

Waxa hal rigoore cuney Poland sidaana waxa u soo baxay wareega sadexaad xulka qaranka ee Portuqaal.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.