X

Pro Axmed Samatar Lumi Hankii Kuna Asqoow Siyaasada Qabiiliga

Bismilaahi raxmaani raxiim Alle ayaa mahadleh nagu simay soonka bisha barakaysan ee ramadaan iyo cibaadadeeda Alle haynagu barwaaqeeyo hana inaga yeelo kuwii loo aqbalo acmaasha sooonka iyo khayrka ay falayaanba .

Intaa kadib waxaan sitoos ah uga hadli doonaa mawduuca manta liidka cas uu marsan yahay ee horyaala jaahayga.

Qodobkan lamagac baxay (Pro Samtar Lumi Hankii Kuna Asqoow Siyaasada Qabiiliga) waa mid ku aadan gorfayta meelaysan ee siyaasiga socod bilowga ah kusoo biiraya saaxada siyaasada Somaliland , halka uu wax ka bilaabay iyo halkii laga filaayay ama halkii laga sugaayay.
1. Xaalka Pro Ahmed Samatar

Xaalka pro samatar ee xaalada hadu waa mid jaah wareer galay kadib markii ay ku adkaatay xulasha ama gooni baadhka afkaarta midowka ah iyo kuwan gaarka ah ee qolooyin xisbiyada adeegsiga uleeyihiin ama ay dhaqanka uleeyihiin.

Wuxuu sameeyay kuur gal xaaladeed lafagurkii iyo shirarkii goonida ahaa afduub baa helay hawlina waxay ku noqotay cidlo cidlo ku dhufo taaso keen tay inuu ku asqoobo xaalka siyaasada qabiiliga.

Ahmed waxaa looga bartay nin aad u neceb qabiilka iyo qudhunkiisa lakiin hada maaha taasi wax jirra ee waxaa yimi wax daboolay oo dahaadhay oo qariyay marinkiisiina waxyabaa ka duway taas macnaheeduna waa ma midaysna fikirka odayga iyo kan afkiisu.
2. Maxaa laga filayay Ahmed

Bulsha weynta inta jecel horumarka iyo inta jecel dhismaha dalka amaba aqoonsi dhirindhirinta dalka ayaa rajo weyn ka qabtay inuu kusoo biro siyaasada inay fududayn lahayd waxyaabo badan oo manta adag oo aan la fahmi Karin ama cidba aan laga dhaadhicin Karin.

Mid labaade midawga la hilaadinaaayay in dib loo mideeyo bulshada dibna isku jeclaadaan dadkeenu oo ay soo xaliyaan hawlo ubaahan in laga wada hadlo oo ku salaysan isku xaadhnaanta iyo in laysu xalnaado midna laga ahado arinta qadiyada ee dadka ka dhaxaysa ahna in dalkan iyo khayraadkiisa la ilaashado loona qayb sado sidii dad wax wada leh ee an la noqon is haysi iyo aaminaad la’aan ayaa laga filaayay inuu noqdo hubka lagu waajihi karo dadbadan oo talo qabeeen kayeelanaya.

Ahmed waxaa laga filaayay jagada dalka usaraysa ee madax weyne nimo ama tan madaxweyne xigeenka laakiin dadku kama sugayn hungo muddo qaadata oo rumoobi karta ama aan rumoobi Karin oo rajo ah aan la rumaysnayn.
3. Kulmiye maxaayaal iyo maxaase khaldan

Marka la eego ama laqaadaa dhigo xaalka kulmiye waa gabanaysan yahay waxayaalaana waaba mid iska cad hawsha hada u hadhsana waa olole iyo wixii kasoo bixi haduu guulaystana waa layaqaanaa inta hawlood ee laqabto.

Hawsha kulmiye sida lawada ogyahay way qabsadeen shirkoodii musharaxiinta wax ka dhiman labadii jago ee loola hanweynaa ahmed ma jirto keliya inta dastuuriga ah ee dooorahada dhicitankeeda ayaa qoladaa u hadhay.

Kulmiye wax uyaal ahmed majirto marka dhan laga eego siyaasada kulmiye eek u salaysan doorashada iyo tan gudoomiye nimadu waa hawl heshiis horre udhacay oo loo midoobay oo qolyo si wax u dhigteen ha ahaadaan sadexdaa haysta ee lagu ogyee labada madaxweynaa isku bedelaya iyo gudoomiyaha xisbiga oo dhan ah iyo kuwa ku xigeenka qaata halkaas oo la odhankaro qabiil ahaan waxay kulmiye ku qanciyeen in mustaqbal uu halkan uyaalo marka inaadeerkii uu dhaafo wakhtiga xigaha kadibna loo carbin doono hawsha xigeen ilayn gudoomiye iyadu waa sacab timolehe.

Qolyaa kulmiye waa xarfaan gaamurtay waxay kamareen odayga xaga waaqica waxay la aadeen siyaasada qabiiliga isna amar Alle waaku asqoobay oo way la jabnaatay meel uu geeyana waa garan waaayay ilaa guntii keentay in hawsha loo qabto oo soo soco uun laguro silo maalo fikirkiisana laga dhigo mid lalayeeshay dhacdayna oo waxba kama hadhsana wakhtigii midawga ee saacaduunbaa ka dhiman iyo wedkoo inadaaya dhamaanteena.

Waxaa khaldan professor ku waa degdegay wuxuu haytay jaanis you u sanadkan ku noqon lahaa musharax madaxweyne ku xigeen ama haday dhacdo sida ucid oo kale musharax madaxweyne labada xisbi ee kaleba way uga jaanis wanaagsanayeen kan hada uu reeryada dhigtay waanay uga rayi wanaag badnaan lahaayeen.

Laga bilaabo manta mudanuhu wuxuu noqonayaa nin reer ah oo qabiilkiii dabada saaray uulahaa waain laga tagaa wuxuu noqonayaa xisbi ah oo ma helayo sidaan filayo soodhaweyntii aan loo kala hadhi jirin caruur iyo ciroolaba wuxuu qaaty shaambada waa kii xisbi hebel ka halkaa maraya weliba isaga oo aan sicad u ahayn madax iyo minjo midna.

Siyaasadii isku tirri odaygu inbadan bay dheheen wax xisbi ah kuma jirtid ee waynu eegi halkuu ku dambeeyo iyo rogaalkiisa kan xiga ilaa heerka uu geedigani qaado xamaamada iyo hayaanka.

W/Q: Haldoor Ismail Mohamed
Email: Ismail1234921@gmail.com

admin:

This website uses cookies.