X

Prof Axmed Samatar oo niyad jabiyay reerka abtiga u ah ee in badan ictiraafka ku waasheen

Hadalkii ka soo yeeray Prof Axmed SAmatar ee ahaa ”bal horta aniga iga dhaadhiciya ictiraafka halka aad ka doonaysaan iyo sida loo marayo iyo wadada la qaadayo” waxay khalkhal ku ridey reerka abtiga u ah ee in ka mida ictiraaf ku waalatey.

Waxay hadda dareensan yihiin inta ku waalatey ictiraafka in ictiraafku aanu jirin Muqdisho iyo London oo ah meelaha ugu dambeeya iyo idaacada BBCSomali laakiin uu yaalo Laascaanood, Boorama, Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo oo la isku oran jirey magaca Somalilayn ama dhulkii Somaliyed oo Ingiriisku u bixiyay maadaama uu yimi dhul Somaliyeed.

Prof Axmed Samatar ayaa niyad jabiyay reerka abtiga u ah markii uu yiri ”ma dawladii Somaliya ayaa na dishey ayaan ictiraaf ku raadsanaa” oo ahayd halka UDUB dhexaadka u ah ictiraaf raadinta.

Markuu sidaas yiri waxa soo koobatey qodobada ay ku raadin lahaayeen ictiraafka waayo waxa hor yaala maadaama aanu jirin dal la oran jirey Somaliland oo calan gooni wata, inkastoo Ingiriisku rabay in uu Somalida u jarjaro qurub qurub, hadana waanala diley meesha way ka baxdey.

Isku soo duuboo hadalka prof Axmed Samatar ayaa hog ku sii ridey rajada ictiraaf raadinta iyo waliba kuwo loo magacaabey oo hadda iska fariistey maadaama wadadu xirantey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.