X

Prof Axmed Samatar oo si rasmiya ugu biirey xisbiga Muuse Biixi xafladna loogu sameeyay Boorama

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo aad loogu hanweynaa ayaa is hoos dhigey askari gumaad ka gaystey gobolada Awdal. Xaflad loogu sameeyay Boorama laguna soo dhaweeyay ayaa waxa ka qaybgalay dad aan sidaa u badnayn una badan masuuliyiinta xisbiga iyo taageerayaasha.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xafladu u badnayd SNM maadaama xisbiga ay leeyihiin SNM oo ah kuwii xasuuqey dad aad u farabadan oo ka soo jeeda gobolada Awdal.

Dad badankiisa ayaa is waydiinaya waxa uu soo kordhin karo iyadoo saxaafada Hargeysa aad u qoreen in booska looga qaadayo Saylici oo muddo soo ahaa ku xigeen aan qaban wax hawla.

Halkla kuwo kale sheegayaan in uu afhayeen u noqwon doono iyadoo qaarkalana sheegayaan in la dhigi doono wasiir haddi KUlmiye ku guuleysto kursiga.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.